Latest Article

6/recent/ticker-posts

Sida ugu fudud ee wahsiga iyo caajiska dhakhso loogu joojiyo

 Qoraalkan Kooba waxaan kudul istaagi doonnaa

1.waa maxay wahsigu?

2. Waa naxay caajisku?


3. Waamaxay farqiga udhexeeya wahsiga iyo caajiska?

4. Maxaakeena wahsiga?

5. Sidee looxalinkaraa ama looga hortagi karaa wahsiga?

Hadaba hadii aynu kubilowno wahsi: wahsigu waa daal maskaxeed kudhaca dadka kaasoo yareeya doonista iyo firfircoonida shaqsiga

Caajiskuna:waa daal jidheed kudhaca dadka kaasookeena waxqabad la,aan qofka oo doonaya inuu xaqiijiyo. Caajisku darajo ahaan waa uu kahooseeyaa wahsiga. Waa tamardaro ruuxi ah oo kudhacda awooda qofka 

Wahsi

Hadii aynu sooqaadano "wahsi" waa mid kamid ah xanuunada macnawiga ah ee faraha ba,an kuhaya bulsho waynta caalamka, waxaana lasheegaa In dhamaan dadka lagahelo dabeecadan wahsiga laakiin lagu kala duwanyahay heerka uu gaadhsiisanyahay. 

Bini-aadamku waa noole aad uraaxo jecel,sidookalena aad u horumar jecel.waa labo amuurood oo aad ukala durugsan maahmaah soomaaliyeed baa odhanaysa.

"Dhib dabadiibay dheefi timaadaa". Halkaa waxa inooga cad in dhibka, rafaadka iyo quus la,aabtu ay tahay wadada guusha lagu gaadho raaxada iyo horumarka. Wadadaas hareeraheeda waxaa daadsan oo buuxdhaafiyay wahsi oo doonaya inuu wakhtiga kaadilo dabadeedna kuuhorseedo fashil, guuldaro iyo mustabal madow.

Dadku waxay xidhiidh daciif ah oo raadgadasho kadhaxaysiiyaan wahsiga iyo samirka iyaga oo umaraya odhaahyada ay kamid yihiin "things to come to those wait" oo ah "fursaduhu waxay uyimaadaan kuwa suga" xikmadan waxa kucudurdaarta dadka jecel inay kawahsadaan fursadohooda iyo hawlohooga daruuriga ah odhaahduna macno ahaan way kuxeeldheertahay sida loo adeegsado markan waxaa kuqarsoon "samir" taasi oo macneheedu yahay qofka dadaala laakiin aan niyad jabin fursadana wakhtigeeda kusima ayaa fursadaha wanaagsani uyimaadaan. 

Samirka iyo wahsigu waa labo kalafog oo aan isla xiriiri karin. Waana sababta samirku guul ugu hogaamiyo qofka. Wahsiguna waa waxa Dib unoqoshada uhorseeda qofka.

Noocyada wahsiga

Wahsigu wuxuu dadka ugu dhacaa siyaabo kaladuwan waxaana lagusookoobikaraa labo nooc oo waawayn oo kala ah:-

1. Wahsi saameeya dabeecada qofka(behavioral procrastination)

Wahsiga noocan ah waa mid aad uxun wuxuuna qofka kadhigaa mid markasta diida inuu ficil sameeyo isaga oo isku qancinaya inay jirto caqabad hortaagan. Tusaale ahaan in qofku iska dhaadhiciyo inuu wakhtigu  kuyaryahay oo uusan hawl qaban karin ama naftiisa kadhaadhiciyo oo uu cudurdaar uga dhigo inuusan awoodin  inuu hawlahaas qabto oo ay ubaahantahay awood iyo xirfad uusan lahayn. dadka uu kudhaco wahsiga noocan ah waa dad kalsooniyar markastana kufashilma  innay wax qabtaan hase ahaatee markasta fashilooda usameeya cudurdaar.

2. Wahsiga saameeya go,aanka qofka(decisional procrastination)

 dadka uu kudhaco wahsiga noocan ah waxaa kaluma go,aanka wayna ku adagtahay inay wax qabtaan. 

Dadkani waxay aad uga boqaan innay khaldamaan, waxayna raadiyaan marwalba inay helaan xaalad jawi dagan oo ay waxkasta saxaan kahor inta aysan wax qabanin taasina way ku adkaataa kadibna waxay noqdaan waxqabad la,aan.

Maxaa Keena wahsiga?

Rabitaanka nafta oo ah inay seexato, cunto, cabto oo ayna waxba qabanin waxay raali  galisaa shaydaanka, heshiiska labadani wuxuu kuu horseedaa.

1. Nafta oo hogaanka kuuqabata, 

maxaayeelay naftu majeclo rafaadka shaqada, gaajada, hurdo la,aanta I.W.M

Haddii aad naftaada xakamayni Waydo oo ay hogaanka ama majaraha kuuqabato, suurtogal ma,aha inaad kudhaqaaqdo wax aysan naftaadu raali ka,ahayn  taasina waxay kuu horseedaysaa wahsi joogto ah iyo waxqabad la,aan. Ilaa aad kanoqoto kaliya qof unool cabbida iyo cunista.

2. Qorshe la,aan: 

dad badan ayaa waxay kunoolyihiin nolol bilaaqorshe ah taasoo kadhigan inay dhadhamin macaanka nolosha oo ay noqdaan kuwo markasta kalifan oo qaxar iyo dhib kujira hadana aan qaban wax hawl ah oo lataabankaro.

3. Dib-udhigashada: 

waa ficilo ula kac ah oo aan gadaal ugu dhigano hawlaha inooyaala 

Dib udhigashadu waa inaad dib umoostaa  hawl kuuqorshaysnayd inaad qabato wakhti cayiman iyada oo ayna jirin wax sabab ah oo keenay dub udhigaas, ilaa ay kagaadho heer ay hawluhu Bataan naftuna kugu qanciso maba qaban Kartide iska dheerayso barkinta.

4. Shaqo la,aanta( bilaacamalka):

shaqo la,aantu waa waxyaabaha ugu badan ee qofka ku keenta wahsiga iyo cago jiidka, waayo shaqadu waa shayga kaliya ee qofku kudareemo iskufilaansho iyo daganaan maskaxeed.

Hadii aanad wax camala haynin waxwalba uu kugu adkaanayaa Ugu dambayntiina iskubuuq iyo kalsooni daro ayaa kugu dhacaysa kuguna Keeni karta wahsi tiro beel ah.

Sidee looxalinkaraa ama looga hortagi karaa wahsiga?

Dhamaan sababaha keena wahsiga ayaa looga guulaysankaraa inaad samayso waxyaaban:-

1. Hadaf: waa inaan yeelanaa hadaf iyo meel aan doonayno inaansootaabano nolosheena.

Inaga oo raacayna go,aan dhab ah iyo dadaal joogto ah oo aan kuxaqiijinayno hadafkeenna 

2. Qorshe:  

waa in qofku samaysto jadwal nololeed wakhtiyaysan si uu umaareeyo shaqo kasta iyo wakhtigeeda 

3. Seexo xili hore habeenkii: 

hurdada laseexdo habeenkii ayaa faaiido balaadhan uleh caafimaad qabka jirka iyo maskaxda

4. ilaasho wakhtiga: 

dhamaan dadku way usimanyihiin wakhtiga. Kuwa guulaysta ee wax usookordhiya naftooda iyo dadkoodaba ee badhaadhaha uhorseeda loogama badin kuwa aan aduunka waxba kaqabsan ee ay noloshoodu hoosaysana laguma yaraynin.

5. Inaad lasaaxiibto dadka wanaagsan:

 lasoco,lanoolow, kudayo, dadkana kadooro kuwa hadafka iyo himada sare leh 

Dadka go,aanka adag waxsoosaarkana leh ee wax xaqiijiya.

6. Dhiirigali naftaada: 

 dhiirigalintu waa shidaalka ugu wanaagsan ee qofkasta kushaqeeyo. Dhiirigalinta naftaada Una balanqaad abaalmarin  hadii ay kalibkeento ama dhamaystirto hawlihii cusbaa ee aad uqorshaysay waajibna kaga dhigtay inay gudato.


Post a Comment

0 Comments